Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho
Snake Slithers Into Reporters Pants On Live TV
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:379
Date:20-08-2008
Grim Warning Over Somalia
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:83
Date:15-08-2008
Tamyra Gray - Dance With My Father
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:690
Date:04-08-2008
Alicia Keys - Superwoman [Live in Madrid]
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:308
Date:04-08-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 05 2008
Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho
Written by Ali Moallim   
Saturday, 05 July 2008

MuMuuqaalka Askari Muqdisho Lagu dileyqdisho,(insidesomalia.org)-Kooxo Hubeeysan ayaa barqanimadii maanta dil toogasho ah ugu geeystay Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda xili la sheegay in uu ku gudo jiray fal burcadnimo ah.

Askarigani ayaa lagu dilay xaafada dabaqeeynka ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir, iyadoo dadka degan xaafada dabaqeeynka ay Idaacada shabelle u sheegeen in marka la dilayay askarigaasi uu ku gudo jiray fal burcad nimo ah.

Kooxo ku hubeeysan Bastoolado ayaa waxaa ay askarigaasi ugu tageen goob uu ka wadaya fal baarasho ah oo uu ku baaranayay dadka marayay qeeybo ka mid ah wadooyinka xaafada dabaqeeynka ee Degmada Dharkeenleey, kuwaasi oo horay u sii qaatay qorigii uu watay askarigaasi kadib markii ay dileen.

“Askarigani waxaa uu ahaa mid dadka ku baaranayay xaafadeena waxaana dilkiisa geeystay kooxo ku hubeeysan Bastolad” yuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka gaabsaday magaciisa.

Dilka loo geeystay askarigani ku gudo jiray falka baarashada ah ayaa noqonaya qalalaasihii ugu horeeyay ee ka dhaca Degmada Dharkeenleey tan iyo markii Odayaasha deegaanka,taliska Booliiska iyo Maamulka Degmadasi ay kuwada heshiiyeen in laga wada shaqeeyo deganaanshiyaha Degmadaasi.

Dilka askarigani ayaa waxaa uu noqonayaa dilkii 3aad ee mudo laba asbuuc gudahooda ah oo loo geeysto askar ka tiran Ciidamada Dowladda, isla markaana laga qaato qoryahii ay wateen waxaana horaantii todobaadkii tagay sidan oo kale loo dilay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa Degmada Xamar Jab-Jab, isla markaana qorigii uu watay laga qaatay.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >